Madaxweyne Farmaajo oo si Qoto dheer uga hadlay Caqabadaha ku gudban Xukuumadda

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safar muddo toddobaad ah ku joogay Puntland ayaa sheegay in caqabado aad u badan ay soo wajaheen Dowladda uu madaxda ka yahay, kuwaasoo uu xusay inay sidoo caqabado ku ahaayeen dowladihii midiisa ka horreeyay.

Farmaajo ayaa sheegay in caqabadaha ugu  waaweyn ee ay xukuumadda hadda jirta ka socon la’dahay ay yihiin khilaafyo siyaasadeed oo la doonayo in laga dhex-abuuro, isla markaana kuwii hore la dagay.

“Waxa dib noo dhigay waa is-qab-qabsiga, khilaafka iyo dhibaatooyin kale waa kuwa dib noo dhigay ee naga reebay dowladaha caalamka. Dowladda iyo madaxdeeda waa la doortaa waqti ayayna leeyihiin, balse innaga dhaqan aan leennahay waa in xukuumaddii la doorto aysan dhaarin hal sano,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay in xukuumad walba oo dalka soo marta lagu mashquuliyo lix biood oo mucaaradid ah iyo lix bilood oo lagu rido. Wuxuuuna arrintaas ku sifeeyay in macnaheedu yahya inaan waxba la qaban, wax-qabad la’aantana waxaa ka faa’iideysanaya buu yiri Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox aan waxba u aabbo-yeelayn.

“Waxyaabaha kale ee aan maqlayo waa in qaatiyan laga taagan yahay habka 4.5-ka, isla markaana nagu raagay, lana doonayo in dalku uu galo hannaan asxaabeed, si ay dadku isugu raacaan fikir, balse aanay isku raacin hayb,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee ay shacabka ay aad ugula hadlayeen tan iyo markii ay Puntland tageen ay tahay nidaamka Federaaliisimka oo uu sheegay in la moodayo inaanu innagu horumarinayo, balse wuxuu xusay in nidaamkan uu yahay mid ay Soomaalidu dooratay, ayna xafiiska yimaadeen iyadoo dalku federaal yahay.

Ugu dambeyn, Hadallada Madaxweynaha Somalia ayaa waxay imaanayaan xilli dhawaan isbedel lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, isla markaana uu ku jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda.

PUNTLAND POST