Madaxweynaha Soomaaliya oo daahfuray mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda Golis

Bosaso[Puntland Post]-Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxwaynaha Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray mashruuca Fiber Optic-ga ee xambaara internetka xawaaraha sare leh ee ay hirgalisay shirkadda isgaarsiinta Golis Telecom Somalia.

Munaasabadda lagu daahfurayay mashruucan ayaa ka dhacday xarunta mashruuca Fiber Optic-ga shirkadda golis ee ku taal xeebta Boosaaso dhineceeda waxana ka qayb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dawladda federaalka iyo Puntland iyo masuuiyiinta sare ee shirkadda isagaarsiinta Golis.

Gudoomiye ku xigeenka board-ka shirkadda Golis Luqmaan Xaaji Maxamuud ayaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo madaxweynaha Puntland uga sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan waxa uuna xusay in shirkadda Golis ay u dhabagashay mashruucan si ay uga haqab tirto bulshada Soomaaliyeed baahida ay u qabaan adeegga Internetka oo tayaysan.

Madaxweynaha dawladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in daahfurka mashruuca Fiber Optic ee ay hirgalisay shirkadda Golis ay tahay talaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka technologiyadda, waxa uuna uga mahadceliyay shirkadda Golis dadaalka ay ugu jirto horumarinta bulshada.

Cabdiqani Boos

Puntland Post-Bosaso