Kacdoon looga horjeedo Kenya oo laga dareemayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawo halkaas laga  dareemayo kacdoon ballaaran oo looga horjeedo dowladda Kenya oo Ciidankeedu Maanta degmadaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Dagaal kooban ayaa Maanta dhexmaray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo Ciidan ka tirsan kuwa Kenya oo ka soo tallaabay xadka,waxaana halkaasi ku dhintay sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case).

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalkan uu ka dhashay,kadib markii ay kala shakiyeen labada ciidan. Mas’uuliyiinta ayaa Shacabka magaalada iyo Ciidankaba ugu baaqay in ay is-dejiyaan,laakiin wararka aan haatan degmadaas ka helayno ayaa sheegaya in caawo shacabku ay qoryaha guranayan,islamarkaana uu kacdoon xoog leh socdo.

Shacabka ayaa aad uga kacay dilka ay Ciidamada Kenya u geysteen G/sare Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo si weyn looga yaqaannay degmada Ceelwaaq,kana mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayey dagaalka Al-shabaab looga saarayo guud ahaan gobolka Gedo.

Xiisaddan ayaa ku soo beegmatay,xilli dhowaan Shacabka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ay si weyn uga horjeesteen derbi ay dowladda Kenya dhisayso,kaasoo qeyb kamid ah magaalada ku daraya dhinaca waddanka Kenya.

PUNTLAND POST