Siyaasi sheegay in Zimbabwe noqon doonto sida Soomaaliya.

Wasiirkii Hore Tacliinta Sare dalka Zimbabwe,Jonathan Moyo oo haatan dhuumasho ku jira,kadib markii waddanka laga musaafuriyey,ayaa sheegay in Zimbabwe ay noqon doonto sida Soomaaliya,haddii Madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu talada sii hayo.

Mr.Moyo oo Wareysi siiyey Wakaaladda Wararka ee Reuters, ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in ay gacan ka geystaan sidii xilka looga tuuri lahaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Emmerson Mnangagwa oo uu ku tilmaamay”dowlad militari”.

Sidoo kale Mr.Moyo ayaa sheegay in aanay jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in Madaxweynihii hore Zimbabwe,Robert Mugabe uu xilka si iskiisa uga degay,kadib markii militariga uu la wareegay dhammaan xarumihii dowladda,laakiin Af-hayeenka Xukuumadda Zimbabwe,George Charamba oo hadalkaas ka jawaabaya ayaa Mr.Moyo ku tilmaamay”Siyaasi si xun loo jebiyay”.

Siyaasigaan baxsadka ah ee Jonathan Moyo ayaan ilaa iyo haatan la aqoon halka uu ku suganyahay,kadib markii ay dalka ka musaafurisay Xukuumadda Cusub ee Zimbabwe ee uu hoggaamiyo Emmerson Mnangagwa.

PUNTLAND POST