Kumaandooska Soomaaliya oo sheegay in ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab ee gobolka SH/Hoose.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka,G/sare Ahmed Cabdullahi sheekh oo Caawo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya,ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaan Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu burburiyey Saldhigii ugu weynaa Al-shabaab ee gobolkaasi,islamarkaana lagu dilay in ka badan 10 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab.

Saldhigga la burburiyey ayaa Al-shabaab ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada qorshaysan ee ka gaystaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,sidoo kalena waxay ku uruurin jireen lacago ay ku magacaabeen”Sakawaad” oo laga qaado dadka Shacabka ah,sida ay ku warrantay Idaacadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya.

sawirro ay baahisay Idaacadda ayaa muujinaya wax u muuqda xarun ciidan oo la burburiyey,balse lama xaqiijin karo in Al-shabaab leedahay,sidoo kale waxaan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay hawlgalkan ee la gaarsiiyey Al-shabaab oo aan dhankooda weli wax war ah ka soo bixin.

PUNTLAND POST