Abwaankii weynaa ee Cali Gaab oo geeriyooday.

Abwaan Cali Diiriye(cali Gaab) oo ka tisanaa rugcaddaaga abwaannada Soomaaliyeed ayaa shalay gelinkii dambe ku geeriyooday magaalada Jabuuti,sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa iyo Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.

Marxuum Cali Gaab ayaa si weyn loogu xasuustaa Riwaayadii cajiibka aheyd ee”If iyo Akhiro”,oo uu hal abuurkeeda lahaa.Sidoo kale heesaha aadka loogu xasuusto ayaa waxaa kamid ah Heestii Sabir ee uu la qaadi jiray Saynab Xaaji Cali(Baxsan).

Golaha Abwaanada Qaranka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tacsi u diray dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Cali Gaab,gaar ahaanna qoyskiisii iyo qaraabadiisi.

Halkaan ka daawo hees u macaan oo uu  la qaado Saynab Xaaji Cali Baxsan.

PUNTLAND POST