Madaxweyne Farmaajo oo Saaka ku soo wajahan Magaaladda Bosaso

Bosaso[Puntland Post] Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka gaar ahaan deegaanada Puntland ayaa saaka lagu wadaa in uu soo gaaro magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari.

Socdaalka Madaxweynaha waxa ku wahelinaya Madaxweynaha Puntland  Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin ka tirasan golayaashiisa dawlada.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay u hoyday magaalada Qardho ayaa socdaalkiisa ka soo bilaabaya deegaanada waaciyo .Carmo iyo Ceel-daahir waxaana uu Madaxweynuhu booqan doona Akadamiyada Ciidamada Booliska Soomaliyeed ee ku taala degmada Carmo intaa kadib daxweyne Farmaajo waxa sida oo kale uu  booqan doona wadada isku xirta Ceel-daahir iyo Ceergaabo oo hada dhismeheedu socdo sida warar hordhac ah ay ku helayso Warbaahinta Puntland Post Xafiiskeeda Bosaso.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Magaalada Bosaso ayaa si weyn looga dareemayaa, boqolal shacab aha oo wata Calamada Puntland iyo kan dalkeena Soomaaliya ayaad ku arkaysaa wadooyinka Magaalaada ku waas oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo iyo waftida uu horkacayo.

dhanka kale war ka soo baxay Maamulka degmada Bosaso iyo Taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa dhamaan lagu hakiyey gadiidkii ka bixi jiray ama soo gali jiray Bosaso mudada ay socoto soo dhaweynta madaxweynaha Soomaliya waxaana sida oo kale shacabka ay ka codsadeen in ay la shaqeeyan Ciidamada Booliska gobalka Bari sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo Amaanka khal khal galinya.

Sikastaba ha ahaatee soo dhaweynta Madaxweynaha qaranka Soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si weyn waxa looga dareemayaa dhamaan deeganada iyo Dagmooyinka ku teedsan dhanka laamiga ee Gobalka Bari.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso