Ciidamada DF oo Shaacisay magacyada Saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo lagu dilay Hawlgal

Muqdisho (PP) ─ Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo uu ku jiro sarkaal Ajnabi ah, kaddib hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Buulo-mareer, Gobolka Shabeelaha Hoose.

Hawlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasoo la sheegay in ciidamada sida gaarka ah u Tababaran ee Somalia ay muddo ku daba-jireen, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Kumaandooska Somalia.

Sidoo kale, Saraakiisha ka tirsanaa Al-shabaab ee lagu dilay hawlgalka ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen: Zubeyr Al-muhaajir oo ahaa Tababarrada u qaabilsanaa Al-shabaab iyo sarkaal Macallin Cumar magaciisa lagu koobay.

Idaacad ku hadasha afka ciidamada xooga dalka Somalia oo soo xiganaysay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa baahisay in Zubeyr Al-muhaajir uu ka mid ahaa saraakiisha Ajaanibta ah ee Al-shabaab ka barbar-dagaalami jiray.

Dhanka kale, Kumaandooska Soomaaliya ee hawlgalkan fuliyay ayaa waxaa Tababarray Mareykanka, iyagoo la Hawl-gala ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomalia, xaruntooduna tahay saldhigga Balli-doogle.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo hawlgal noocan oo kale ah la sheego in lagu dilay saraakiil iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab, balse weli kama hadlin Al-shabaab saraakiishan la sheegay in looga dilay Shabelellaha Hoose.

PUNTLAND POST