Madaxweyne Farmaajo oo Qardho ku Wajahan iyo soo dhoweeyn balaaran oo ka socota

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Boqosho rasmi ah ku joogo Puntland ayaa ku Wajahan magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo waxaa socdaalkaasi ku wehlinaya Madaxda Puntland uu ugu horeeyo Madaxweyne Gaas iyo xubno kale oo ka tirsan Golayaasha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Magaalada Qardho ayaa waxaa ka jirta diyaargaroow balaaran oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo.

Boorar lagu xardhay sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa lagu arkayaa gudaha Magaalada Qardho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doono Waxgaradka iyo qeeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho.

Markii uu dhamaado Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qardho Madaxweynaha ayaa tagi doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post