
Hal Askari ayaa ku dhintay Sagaal kalana waa ay ku dhaawacmeen shil Gaari oo galabta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Gaariga shilka galay oo ah nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile ayaa la socday Kolonyo gaadiid ah oo u socday Degmada Carmo, kuwaas oo loogu talagay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi farmaajo oo maalinta Beri ah ku wajahan Degmadaas.
Isbitaalka magaalada Boosaaso ayaa la gaarsiiyay dhaawaca askartii shilkaas ku wax yeeloobay oo qaarkood ay qabeen dhaawacyo culus, waxayna ahaa yeen ciidamo Boolis ah oo ilaalo u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Cabdirisak Shiikh Aduunyo oo kamid ah Gudiga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee Degmada Carmo ayaa shilkan u xaqiijiyay PUNTLAND POST.
PUNTLAND POST