Degmooyinka Maamulka Galmudug ee uu booqanayo Madaxweynaha Somalia oo la Shaaciyay

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqashadiisa Puntland kaddib safar ku tegi doona deegaannada maamulka Galmudug, isagoo tegi doona degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo muddo dheer ay ka talinayeen Culummada Ahlusunna.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago Degmooyin ay ka mid yihiin; Gaalkacyo, Cadaado iyo kuwo kale, iyadoo la sheegayo inay ku jirto degmada Caabud-waaq.

“Degmada Dhuuso-mareeb waxaa ka socda qorshe loogu diyaar-garoobayo soo dhaweynta Madaxweynaha Somalia oo kusoo wajahan booqahada uu ku joogo Puntland kaddib,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Ahlusuna ee ku sugan degmada Dhuuso-mareeb.

Wararka ayaa waxay sheegyaan in degmada Dhuuso-mareeb lagu saxiixayo heshiiskii ay dhawaan gaareen Maamulla Galmudug iyo Ahlusunna, si loogu soo afjaro murankii u dhexeeyay, si degmadaas ay u noqoto xarunta guud ee maamulka Galmudug.

Dhanka kale, Madaxeynaha Somalia ayaa la sheegay in booqashada uu ku mari doono Galmudug uu ka billaabi doono Koonfurta Gaalkacyo, isagoo tegi doona markaas kaddib degmada Cadaado oo uu uga gudbi doono Dhuuso-mareeb.

Ugu dambeyn, Wararka booqashadan ku saabsan ayaa sheegaya in markaas kaddib uu madaxweynuhu tegi doono Guri-ceel iyo Caabud-waaq, balse kama aysan hadlin arrintaan madaxtooyada iyo maamulka Galmudug.

PUNTLAND POST