Qarax Ciidamada Dowlada Lagula eegtay Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ka dhacay Qarax miino oo la la eegtay ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya,

Qaraxaan ayaa ka dhacay wadadda Warshadaha ee Magaalada Muqdisho waxaana la la eegtay kolonyo gaadiidka ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Wararka Ay heleeyso PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaan la la eegtay gaadiid la socday Taliyaha ciidamada Booliska Degmada Deyniile Cor Abtidoon inkastoo aanu saarneyn.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxaasi uu qasaare ka soo gaaray Ciidamadii la la eegtay inkastoo aan si dhab ah loo ogeeyn qasaaraha rasmiga ah.

Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay Wadda Warshadaha Gaar ahaan meel aan ka fogeeyn Warshada Biyaha Caafi oo dhowr jeer oo hore qaraxyo ceenkaan oo kale ah lagula eegtay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho