Warbixintii ugu dambaysay deegaan Tukaraq

Magaalada Tuko raq waxaa gacanta ku dhigay subaxnimadii horre ee maanta Ciidamo ka amar qaadanaya maamulka Somaliland oo ku hubaysan noocyadda kala duwan ee dabaabaadka dagaalka, Iyadoona halkaas laga baacsadey ciidamo ka tirsan Dowladda Puntland.

Ciidanka Somaliland ayaa qiyaastii 4 KM meel ka durugsan Tuko-Raq oo ka xigta dhinaca Tuulada Geed-Qaboobe dhigtey bar kantarool halka ciidanka Puntland ee saaka laga qabsadey Tuko-Raq fariisimo ka samaysteen qiyaastii meel 6 KM u jirta Tuko-Raq.

Jawiga goobtu wuxuu u muuqday saansaan dagaal wallow aysan jirin gurmadyo xoog leh oo ay halkaas geysay Dowladda Puntland marka laga reebo ciidamada kumaandoosta Danab oo ahaa kuwa saaka dagaalku dhexmarey ciidanka Somaliland ee qabsadey Tuulada Tuko raq.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland Axmed Cismaan Cilmi (Axmed Karaash) Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne iyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee baarlamanka Puntland Xuseen Xaaji Yaasiin oo gaarey jiida ay  isku horfadhiyaan Puntland iyo Somaliland ayaa ku hawlan abaabulka dhaq dhaqaaq ciidan oo ay Puntland doonayso inay isaga difaacdo Somaliland.

Xaalada ay ku sugan yihiin ciidanka Puntland ayaa u muuqata mid jawiyo badan oo dayac xoog leh uu ka jiro marka loo eego gurmadka iyo taakulada u tagtey tan iyo intii ka dambeysay dagaalkii saaka dhexmarey ciidamada Somaliland, kuwaas oo laga qabsadey saldhigii ay ku lahaayeen Tuko raq, Islamarkaana ma jiraan adeegyo raashin, gogol iyo caafimaad oo ay halkaas gaarsiisay Xukuumadda Puntland.

Qisooyinka la yaabka leh ee Puntland kasoo wajahay duulaanka Somaliland ku qabsatey Tuko raq waxaa ka mid ah Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo maanta halkaas u direy gawaaridii ilaalada u ahayd inay ka qeybgalaan difaaca ciidamada Puntland Iyadoona taas bedelkeeda uu doortey Mudane Camay isaga oo bilaa ilaalo ah inuu kaga haro magaalada Garowe.

Puntland waxaa dagaal laba dhinac ah kaga furun yahay buuraha Bariga, halkaas oo ay ciidamadu mudo sanado badan ah kula dagaalamayeen xoogag ka tirsan ururada Al-shabaab iyo Daacish, inkastoo Puntland ay inta badan ka gacan saraysay ururadaas, hadana waxaa khuburadda Mileteriga ee Puntland jooga ay marwalba ka digayeen in Ciidamada daraawiish-da aysan lahayn cududii ay amniga xuduudaha ku hanan lahaayeen, taas oo ay bedelkoodii galeen ciidamo ay maalgeliyaan wadamada Maraykanka iyo Imaaraadka.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu xukunka qabtay isku dayey in uu Dib u habayn (Reform) ku samaayo Ciidamada Daraawiishta Puntland, qorshahaas oo fashil ku dhamaaday sida ay Puntland Post u sheegeen ilo xog – ogaal ah, Waxayna Ciidamadii mar ahaan jiray Ciidamado goboleedka ugu xoogan Soomaaliya ay ku dambeeyeey kuwo aan lahayn cudud isku duuban.

PUNTLAND POST
Aaga Tuka-Raq