Maxaad ka ogtahay taariikhda Garoonka Diyaaradaha Garowe?.

Cismaan Guureeye Kaarshe oo xilal kasoo qabtey Dowladda Puntland islamarkaana ka mid ah waxgaradka caanka ka ah Gobolka Nugaal ayaa Warbaahinta PUNTLAND POST uga waramay marxaladii uu soo marey Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe oo maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 08 January 2018 lagu wado inuu si rasmiya xariga uga jaro Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Cismaan Guureeye oo faahfaahin dheer ka bixiyay heerar kala duwan oo uu sheegay inuu kasoo gudbay dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe wuxuu sheegay inuu noqonayo garoon caalamiya oo wax badan kaga duwan garoomada kale ee ku yaala dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku amaanay bilow ilaa dhamaad masuuliyiin uu ka mid yahay Sanetor Cabdiraxmaan Faroole dhismaha Garoonka  oo sida la rumaysan yahay la dhagax dhigay sanadkii 2003-dii xilligaas oo uu Madaxweyne ka ahaa Puntland A.U.N Cabdulaahi Yuusuf Axmed (Yey) Islamarkaana uu ahaa Wasiirka Maaliyadda Sanetor Faroole.

Sidoo kale Cismaan Guureeye Kaarshe ayaa ku amaanay dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Garowe Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu sheegay inuu xil gaar ah iska saarey daboolida gaab ku yimid mashruucii Garoonka oo ay ku deeqday Dowladda dalka Kuwait iyo Eng Khaliif Qonof oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay dadka fara-kutiriska oo taariikhda ku leh bilowgii asaaska madaaarka Garowe.

Daawo Wareysi Wariye Abshir Dhiirane la yeeshay Cismaan Guureeye.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya oo shalay soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa subaxnimada horre ee maanta lagu wadaa inuu si rasmiya xariga uga jaro madaarka caasimada Puntland oo 2dii sano ee lasoo dhaafey dhisidiisa ay gacanta ku haysay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST