Garoonka Diyaarada Cusub ee Garowe oo loogu magacdaray General Maxamed Abshir (Hammaan)

Garoonka Diyaarahada cusub ee magaalada Garowe oo maanta la daahfuray ayaa loogu magacdaray General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan).

Alle ha u naxariistee General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan) oo taariikh mug weyn ku lahaa dalka Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika waxa uu dhashay 1925, isagoo ahaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaaliya oo qaata Darajada Generalnimo.

General Maxameed Abshir ayaa noqday taliyaha ciidammada difaaca Soomaaliyeed (Somali Defence Force) intii aan la aasaasin ciidanka booliska Soomaaliyeed, markii  ciidankaas la kala qaybiyay General Maxamed Abshir isagoo 32 sano jir ah ayuu taliye u noqday Booliiskii ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelatay markii ay xorriyadda heshay sannadkii 1960, waxaana lagu tilmaamo inuu ahaa aasaasihii ciidammada boliiska Soomaaliyeed.

Intii uu burburka dalka ka dhacay waxaa General Maxamed Abshir lagu xasuustaa inuu ahaa Oday Soomaaliyeed oo nabad doon ah kana soo hor jeeday dagaalladii iyo coladihii dalka ka socday, wuxuuna magaallada Muqdisho iyo inta ka dhexeysa magaallada Kismaayo caan ku ahaa in meeshii dagaal ka bilowdo isagoo calan cad wata uu dhex tago dhinacyada dagaalamaya isago ku dadaalaya inuu heshiis iyo nabad dhex dhigo.

Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in General Maxamed Abshir Alle ha u naxariistee uu  isagu hormuud ka ahaa nabad gelyada iyo inay gobollada Puntland ay ka badbaadaan burbur soo gaara, markii uu noqday guddomiyaha ururka SSDF ee xilliyadii colaadaha wuxuu xoogga saaray  in  uu kooxaha dagaalamaya ku qanciyo inay wada hadal ku bedelaan dagaalka iyo xiisadaha colaadda, wuxuuna ka qayb galay dhammaan shirar dib-u-heshiisiinta ahaa ee Soomaalida loo qabtay marka laga reebo kii u dambeeyay ee lagu qabtay dalka Kenya (Mbagathi) shir kasta oo uu tegayna wauxuu ku tilmaanaa shakhsi u taagan ama mar kasta ujeeddadiisu ahayd nabadayn, isu soo jiidis, dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee General Maxamed Abshir Muuse (Hammaan) waxaa uu 25 bishii October ee sanadkii hore 2017-kii ku geeriyooday dalka Mareykanka, isagoo da’diisu ahayd 91 jir.

PUNTLAND POST