Faahfaahin dagaalka Puntland iyo Somaliland

Ka dib iska hor imaad saaka dhexmarey Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhex jirta labada dhinac isu hub uruursi .

Taliyaha ciidanka kumaandoosta Puntland Korneyl Jimcaale Jaama Takar oo Wariyaha PUNTLAND POST ee Abshir Dhiirane goordhawayd kula kulmay duleedka magaalada Tukaraq waxa uu sheegay  inaanu jirin khasaare dhinacooda kasoo gaarey dagaalkii saaka dhexmarey  iyaga iyo Somaliland.

Labada ciidan Somaliland iyo Puntland oo iminka kala fadhiya duleedka magaalada Tukaraq wuxuu sheegay taliye Jimcaale in Puntland jawaab ka bixin doonto saacadaha soo socda weerar gaadmo ah oo uu sheegay inuu kusoo qaaday maamulka Somaliland.

Xaalada labada dhinac ayaa iminka degan wallow lagu sifeyn karo jawiga ka jira duleedka Tukoraq saansaan dagaal iyo colaad, waxaana Tukaraq hadda gacanta ku haya ciiidamada Somaliland.

PUNTLAND POST

One comment on “Faahfaahin dagaalka Puntland iyo Somaliland”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *