Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda Tuka raq

Wararka PUNTLAND POST ka helayso magaalada Tuka raq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya dagaal inuuu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ka dib markey subaxnimadii horre halkaas soo galeen ciiidamo ka tirsan maamulka SOMALILAND.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka oo igula hadlay Telefonka ayaa ii xaqiijiyay dagaalka u dhaxeeya PUNTLAND iyo SOMALILAND .

Xiisada Somaliland iyo Puntland ayaa kusoo beegmaysa xilli balanqaadkiisa ololaha doorashada ka mid ahayd hadalo hanjabaad ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, halka sidoo kalena ay kusoo beegmayso xilli uu ku sugan yahay magaalada Garowe Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya.

Kala soco faahfahinta PUNTLAND POST