Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Dibadda.

Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhaariyo Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo sidoo kale labadii Wasiir oo kale ee 4-dii bashan January uu Ra’iisul wasaare Kheyre magacaabay.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda oo muddo ahaa safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ayaa la aamin sanyahay in uu  wax badan ka yaqaano Arrimaha Dibadda, isbedel weyna ku sameyn karo xiriirka Dowladda Federaalka ee dhanka Dibadda.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda xilka kala wareegi doona, Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Yusuf Garaad Cumar.

PUNTLAND POST