Wasiiradii cusbaa ee uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Ayaa maanta lagu Dhaariyay Magaalada Muqdisho.
Wasiiradaan oo kala ah Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Eng Cabdi Maxamed sabriye.
Wasiiradaan ayaa hadda isku diyaarinaya in ay xilalka kala wareegaan Wasiiradii hore.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho