Odayaasha Gobalka Bari oo soo dhaweeyey imanshaha Madaxweyne Farmaajo, fariina u diray Madaxweyne Gaas

Bosaso[Puntland Post] Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ka soo jeeda gobalka Bari ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxa ay uga hadleen dhamystirka garoonka diyaardaha Boosaaso waxaana sida oo kale ay soo dhaweeyen imanshaha Puntland Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Odayaasha ayaa marka hore ka hadlay wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Boosaaso, iyagoona sheegay in ay mihiim tahay in la dhameystiro qeybaha ka dhiman garoonka waxayna bulshada gobalka Bari ugu baaqeen in ay si wada jir ah uga qeyb qaatan dhameystirka wajiga labad ee garoonka diyaradaha Boosaaso.

Waxaan u baahanahay in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso wajigiisa labaad dhamaan shacabka.

Dawlada Puntland oo uu hogaanka u hayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaan iyadana u sheegaynaa in ay mihiim tahay in il gaar ah lagu eego sidii loo dhameyn lahaa qeybta ka qabyadaha ah garoonka diyaaradaha Bosaso, si ay bilicdiisu u soo baxdo”, sidaas waxa yiri qaar ka mid ah Odayaasha gobalka bari oo kulanka ka hadlay.

Dhinaca kale Siyaasiyiinta iyo Odayaasha gobalka Bari ee kulanka ku yeeshay Boosaaso waxa ay si weyn u soo dhaweeyeyn Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo safarka uu ku imanayo deegaanada Puntland.

Hadalka siyaasiyiinta iyo Odayaasha gobalka Bari ka soo jeeda ayaa imanaya xili isbuucan lagu wado in xariga laga Jaro garoonka diyaaradaha magaalada Garowe oo dhismihiisu dhamaaday.

Hoos ka daawo baaqa Odayaasha Gobalka Bari,