Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Maanta soo kormeeray Garoonka diyaaradahaa magaalada Garoowe oo dhismihiisu dhammaaday.
Garoonka cusub ee diyaaradaha magaalada Garoowe oo loo dhisay qaab casri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo daah-furo 8 bishaan Jen,waxaana furitaankiisa ka soo qeyb galaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Farmaajo,sid qorshuhu yahay.
Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka socotay labada Gole ee dowladda iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa Maanta kormeeray dhammaan qeybaha uu ka koobanyahay Garoonka cusub,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada oo Warbaahinta loo qeybiyey.
Mudane. Gaas ayaa xaqiijiyay in Garoonka loo dhisay sidii loogu talo galay,islamarkaana uu noqon doona mid u shaqeeya sida garoomada Adduunka.
PUNTLAND POST