Puntland oo baaq kasoo saartey ka ganacsiga diin diinka

Wasaaradda Deegaanka,Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay ka ganacsiga Xayawaanka Diin Diinka oo maalmihii lasoo dhaafay si wayn loogu hadal hayey baraha bulshada qiimo aad u sareeya in la kala siisanayo.

Dikreeto uu soo saarey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka Puntland Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) ayaa looga digay dadweynaha inay rumaystaan warar  been abuur ah, Iyadoona lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda talaabo sharciga waafaqsan in laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko falka ka ganacsiga diinka.

Sida ku cad xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka Dowladda Puntland qodobkiisa 27aad farqadiisa 1aad waxaa reeban dilka, dhaawicistiisa,qabashada iyo ka ganacsiga nooc kasta oo ka mid ah duurjoogta.

Akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka Puntland

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST