Golaha Wasiirrada Somalia oo isbedel lagu sameeyay iyo Wasiiirro Xilalkoodii Waayay

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] ayaa sheegay in Raii’sul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre uu xilka qaadis ku sameeyay saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda, isla markaana lagu bedelay saddex wasiir oo kale.

Wasiirrada xilalka laga qaaday ayaa waxay kala yihiin;

  1. Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Yussuf Garad Cumar Axmed
  2. Wasiiraddii Ganacsiga iyo Warshadaha, Khadra Axmed Ducaale
  3. Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdi Saciid Faarax (Juxa)

Saddexda Wasiir ee lagu bedelay ayaa kala ah;

  1. Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  2. Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha
  3. Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda

Wasiirada cusub ee kusoo biiray golaha wasiirrada xukumadda Khayre ayaa lagu amray inay si deg-deg ah xilalkooda ula wareegaan, iyadoo saddexaan wasiir laga dalbaday inay la yimaadaan hawl-karnimo iyo shaqo wacan.

Dhanka kale, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Ra’iisul wasaaraha Somalia aanu weli buuxin jagooyinkii ay banneeyeen Wasiirradii Gargaarka iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Isbeddelkaan lagu sameeyay golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay, iyadoo mudooyinkii dambe si weyn loo hadal hayay isbedel lagu sameynayo Xukuumadda Federaalka.

DHAGEYSO: Xil ka qaadista Saddexda Wasiir iyo Wasiiradii lagu bedelay. 

PUNTLAND POST