Akhriso: Juxaa oo war ka soo saaray Xil ka qaadistii lagu sameeyey

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Cabdi Faarax Siciid(Juxa) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xilka qaadistii uu Saaka ku sameeyey Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyrre.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Juxaa ku sheegay in xil ka qaadistiisa uu Idaacadaha ka ogaaday xilli uu ku socday Garoonka diyaaradaha Muqdisho,halkaasoo uu uga safri lahaa dhinaca Puntland,si uu u agaasimo“booqashada Madaxweynaha ee Puntland”.

Juxaa ayaa sheegay in karaankiisa uu waxqabtay mudadii xilkiisa,wuxuuna u mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo ,Ra’iisul Wasaaraha,Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo dhammaan intii la soo shaqeysay.

Dhinca kale wuxuu so dhoweeyey Wasiirka Cusub ee loo magacaabay,Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya,isagoo Ilaahay uga baryey in uu shaqada ku asturo.

Mudane.Juxaa ayaa qiray in khilaaf kala dhexeeyay Ra’iisul wasaare Kheyrre,sida ka muuqata qoraalka uu soo dhigay”Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay”.

Ugu dambeyn wuxuu raall-gelin siiyey oo Cafis weydiistay dhammaan intii feker ahaan iyo shaqa ahaanba ay isku khilaafeen mudadii uu xilka hayey.

PUNTLAND POST