RW Khayre oo ka Qayb-galay Xaflad lagu soo Bandhigayay Wax-qabadka W. Maaliyadda

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadkeedii sanadlaha ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay xukuumaddu jirtay, isagoo sheegay in miisaaniyadda dawladda ay samaysay koror fiican oo lagu ammaani karo, waxuuna bogaadiyay sida ganacsatada Soomaaliyeed ay isugu xilqaameen bixinta cashuurta.

Wasiirka ayaa ka hadlay daymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraya 5.5 Bilyan oo dollar iyo sida looga dhaafi karo ay tahay Soomaaliya oo la timaado dawlad wanaag iyo isla xisaabtan muuqda oo hay’adaha dawladda la yimaadaan si deymaha looga cafiyo. Sidoo kale IMF ayaa dawladda Soomaaliya kala shaqeyneysa in la xoojiyo qiimaha shilinka Soomaaliga oo muddooyinkan danbe tayo ahaan iyo qiimo ahaanba hoos u dhac ku yimid.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in marnaba aysan suurto gal ahayn in dalka soomaaliya uu sidan uu ku sii jiro dhaqaalihiisa, waxuuna tilmaamay in Xukuumaddiisa iyo shacabka Soomaaliyeed u wada istaagaan sidii loo hormarin lahaa dhaqaaqaha dalka.

Mudane Khayre ayaa xusay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney laba jibaaraan bixinta cashuuraha iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku ammaanay sida ay mar walba u garab taagan yihiin dawladda.

“Anaga ka dawlad ahaan waxaa naga go’an in amaanada aad noo dhiibtaan aan ka ilaalino musuq-maasuq oo howlihii loogu tala galay ku qabano, si aad u ogaataan canshuurtii aad bixiseen halka ay martay,”  ayuu yiri RW Khayre.

PUNTLAND POST