Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay sanadkaan cusub 2018-ka lagu dilay dalkaasi Koonfur Afrika.
Allaha u naxariistee muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulahi Macalin Cali waxaana dishay dableey hubeeysan oo Koonfur Afrikaana ah.
Dilkaan ayaa ka dhacaya Magaalada Cape town ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Ha’ada Ka Howlgasha dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sanadkii dhamaaday la toogtay 137 Muwaadin Soomaali ah.
Dilalka loo geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ku soo badanaya dalka Koonfur Afrika.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post