Militariga Maraykanka oo sheegay in ay dileen Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Militeriga Maraykanka ayaa sheegay in laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen duqeyn ay Soomaaliya ka geysteen Salaasadii Shalay.

Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in queynta oo ka dhacday meel 50km galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ay ku dhinteen laba ka tirsan Al-shabaab,sidoo kalena lagu burburiyey gaarigii ay saarnaayeen.

Taliska ayaa qoraalka ku susay in duqeynta looga hortagay qaraxyo loo waday dhinaca magaalada Muqdisho oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka magaaladaasi.

Ma jiraan wax rayid ah oo khasaare ka soo gaaray duqeynta,sida lagu sheegay qoraalka uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee(AFRICOM)

PUNTLAND POST