Xili Maanta ay tahay Xiligii maxkmada Racfaanka Gobolka Banaadir ay u qabatay in dib la isugu soo laabto Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Maxkmadu maanta go’aan soo saartay.
Maxkmada ayaa Diiday islamarkaasina laashay in aan wax racfaan ah laga qaadan xukunkii maxkmada Gobolka Banaadir.
Waxaana maanta Maxkmadu ay u fadhiisatay Dacwada loo heeysto Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaana ay go’aamisay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo in baaritaano ay ku sameeyso Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Maxkamada ayaa safarada ka joojisay Cabdiraxmaan Abdishakuur Warsame .
Dhinka kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen in ay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.
Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000.
Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta.
Waxaana xusid mudan in xalay CCW uu ku dhawaaqay in aanay jirin wax dambi ah ama dacwad ah oo loo heeysto.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho