Dawladda waxaa ka go’an xoojinta Tayada & Tababarka Ciidamada Soomaaliya: RW Khayre

Muqdisho (PP) ─  Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali khayre ayaa ka qayb galay munaasabad loo sameeyay dufcad ka mid ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhameystay tababar.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana boggaadiyey saraakiishan cusub ee Boliiska Soomaaliyeed, waxuuna ku amaanay sida ay ugu soo hureen naftooda in ay u shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay ka filayaan isbadal ballaaran oo la taaban karo inay ku soo kordhin doonaan guud ahaan ammaanka dalka.

“Waxaan idinku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee aad diyaarka ugu tihiin difaaca dalkiina hooyo, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad door lixaad leh ka qaadataan ciribtirka argagixisada, waxaana ku kalsoonahay inaad waajibaadkiina si weyn uga soo bixi doontaan, Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an sidii ay u xoojin laheyd tayada iyo tababarka Ciidamada Soomaaliyeed,’’ ayuu yiri RW Khayre.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa u xiray saraakiishan cusub darajooyin, isagoo sheegay in ay wax weyn ka badeli doonaan hannaanka Booliska iyo sidii mar kale dib loogu soo celin lahaa kaalintii fir-fircooneyd ee ku lahaayeen amniga guud ee dalka.

PUNTLAND POST