Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta ka doodaya miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018 oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
13 bishaan December ayaa xildhibaannada Golaha Shacabku ansixiyeen miisaaniyadda oo gaaraysa 274 milyan oo dollar,waxayna u soo gudubtay Aqalka sare.
Miisaaniyadda ayaa haddii uu ansixiyo Aqalka sare,waxaa loo gudbinayaa maadxweynaha oo saxiixi doona.
5 bishii November ee sannadkaan Kulan ay yeesheen Xildhibannada Aqalka sare ayey ku ansixiyeen qodobo cusub lagu daray xeer hoosaadkooda,kuwaasoo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda dowladda.
PUNTLAND POST