Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Soomaaliya oo tagey Garowe

Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowladda Federalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,waxaana ka qeybgalay soo dhaweynta wasiirka masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland sida Wasiiro,Xildhibaano,Maamulka Degmadda,Issimo iyo Qeybo ka tirsan bulshada.

Socdaalka Wasiir Jamaal oo noqonaya markii ugu horeysay oo uu ku tago magaalada Garowe tan iyo markii loo magacaabay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya ayaa la xiriira hawlo shaqo oo ka dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ee Puntland iyo Arrimo kale.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Puntland soo dhaweyn balaaran oo uu maanta kala kulmay isaga iyo waftigiisa, Iyadoona qorshuhu yahay maalmaha soo socda inuu kusii nagaan doono magaalada Garowe.

Daawo sawirada soo dhaweynta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST