Maamulka Isbitaalka Gaalkacyo oo lagu wareejiyay deeq gadiid ah

Deeq baabuur Ambulance oo ka timid Dowladda Dalka Sacuudiga  ayaa maanta lagu wareejiyay bahda Caafimaadka Gobolka Mudug deeq, waxayna qeyb ka tahay deeq loogu talagalay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Hay,add magaceeda la yiraahdo Kibaaro ayaa ku wareejisay deeqdaan maamulka Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug, waxaana goobjoog u ahaa munaasabadii lagu wareejiyay saraakiil ka socotay Wasaaradda Caafimaadka iyo Qeybaha kala duwan ee bahda caafimaadka Gobolka .

Deeqda baabuurta oo ka kooban saddex gaari ayaa labo ka mid ah loogu talagalay dhaawacyadda waxaana bixisay Dowladda Sacuudiga iyo hal gaari oo loogu talagalay meydka oo ay bixisay Hay,adda Kibaaro.

Axmed Baaba-raqiis oo wakiil ka ahaa wareejinta deeqda ayaa sheegay inay qeyb ka tahay deeq loogu talagalay dalka Soomaaliya islamarkaana dhawaan ay rajaynayaan inay soo gaarto deeq loogu talagalay Puntland.

Agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo lagu wareejiyay deeqda ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid kasta oo kasoo shaqeysay Gargaarkan maanta lagu wareejiyay.

Gaalkacyo

PUNTLAND POST