Hay’adda Culimada soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay muranka u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka horjedda.
Bayaanka oo ka kooban lix qodob ayaa ku baaqaya in si midaysan looga hortago in ay soo noqdaan waxyaabihii horay dalka u dumiyey”oo ah qabyaaladda,dulmiga iyo danaysiga gaarka ah”.
Hay’adda ayaa siyaasiyiinta u jeedisay in mucaaradnimadu ay noqoto”mid wax dhisaya ee aanay noqon mid wax duminaysa”,halka xukuumaddana ay ku boorrisay in ay ka fogaato adeegsiga awood aan sharci ahayn oo ay “ka dhalan karto dhibaatooyin iyo fitno aan la xakamayn Karin”.
Halkaan ka akhriso bayaanka Culimada.
PUNTLAND POST