Wararka naga soo gaaraya Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada jubbaland ay gacanta ku Dhigeen Waxyaabo Qarxa.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in qaraxyadaan la doonayay in la galiyo Gudaha Wadanka Kenya.
Masuuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta lagu qabtay waxyaabahaasi Qarxa.
Wasiirka Amniga ee Jubbaland oo Baled-Xaawo ku sugan ayaa uga mahad ciliyay ciidamada howlgalkaasi ay ku soo qabteen walxaha qarxa.
Al-Shabaab ayaa qaraxyo ka geeysta Gudaha wadanka Kenya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post