Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Farmaajo u ogolaaday in uu saxiixo miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018 oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Mudanayaasha Aqalka sare ayaa si aqlabiyad leh ku ogolaaday in madaxweyne Farmaajo uu saxiixo miisaaniyadda,kadib markii 26 xubnood oo kamid ah 29 Mudane ee kulanka fadhiyay ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda,halka saddex xubnoodna ka aamustay.
13 bishaan December ayaa xildhibaannada Golaha Shacabku ansixiyeen miisaaniyadda oo gaaraysa 274 milyan oo dollar,waxayna haatan u gudbaysaa Xafiiska madaxweynaha si uu u saxiixo.
5 bishii November ee sannadkaan Kulan ay yeesheen Xildhibannada Aqalka sare ayey ku ansixiyeen qodobo cusub lagu daray xeer hoosaadkooda,kuwaasoo dhigaya in ay ansixin karaan miisaaniyadda dowladda.
PUNTLAND POST