40 arday oo dhameystay Hogaanka iyo Maamulka oo xalfad Bosaso lagu qabtay

Bosaso-[Puntland Post]-Munasabada lagu maamusayey 40 arday oo dhamestay labo kuliyadood oo kala ah Hogaanka iyo Maamulka iyo  dhaqaalaha islaamka waxna ka bartay Akadimayada Barashada hogaanka iyo Maamulka ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari,

Xalfada ayaa waxa ka qeyb galay Maamulka Akadimayada Barashada Hogaanka iyo Maamulka ,wakiil ka socday Jaamacadaha Bosaso ku yaala ,Gudoomiyaha Mu,asasad Al-minhaa ,walidiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Dr Maxamuud Sheekh Cismaan Diyeeshe oo ah Maamulaha Akadamiyada Hogaanka iyo Maamulka oo ugu horan madasha ka hadlay waxa uu ka sheekeyey marxaladihii kala duwan ee ay Akadamiyadu soo martay iyo tirada ardayda qalinjabinaysa.

’Ardaydu wax ay iskugu jiraan labo kuliyadood oo kala ah Hogaanka iyo Maamulka iya sida oo kale Maamulka dhaqaalaha islaamka tiradooduna waa 40 arday oo gabdho iyo wiilal ah waana dafcadii labad oo Akadamiyada ka qalinjabisa tan iyo markii dhid baha loo taagay ‘’sidaas waxa sheegay Dr Maxamuud sheekh Cismaan Diyeeshe Maamulaha Akadamiyada

Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Bosaso oo ka hadlay goobta waxa ay u hanbalyeyen ardayda qalinjabisay waxan ay kula dar daarmen in ay buslahada uga faa,ideeyan waxii ay soo barteen.

Qaar ka mid ah ardayda oo madasha ka hadlay waxa ay iyaguna dhankooda balan qadeen in cilmigii ay barteen bulshadooda uga faa,idan doona.

Waxa xusid mudan in shahaadooyinka ardayda la gudoonsiyey in ay ka yimadeen Akadamiyada Caalamiga ah ee barashada hogaanka iyo Maamulka ee ku taala Magaalada Khartuum ee Caasimada dalka Suudaan.

Cabdiqani Boos

Puntland Post-Bosaso