Ku dhowaad 40 askari oo loo xiray weerarkii guriga Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo ka dambeeyey weerarkaas,siday qortay Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda ayaa sheegtay in taliyuhu sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, islamarkaana uu socdo baaritaan lagu hayo saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii Maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Cabdiweli Jaamac Xuseen(Gorod) inuu baaritaan deg-deg ah ku sameeyo weerarkaas lagu galay hoyga Cabdi Qaybdiid oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.