Militeriga Uganda ayaa sabtida Maanta shaaciyey in uu Soomaaliya kala baxay 281 askari oo kamid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM,taasoo qayb ka ah yareynta Ciidanka ka jooga Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso lix kun oo askari.
Af-hayeenka militariga Uganda, Korneyl.Richard Karemire ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Xinhua News Agency in bixitaanka Ciidankaan ay qayb ka tahay dhimista Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo 1000-kii ugu horreeyay bixitaankoodu ku egyahay 31 bishaan Dec.
Dowladda Uganda ayaa horraantii bishaan bilowday in ay si tartiib-tartiib ah Soomaaliya ugala baxdo Ciidankeeda ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM.
Bishii August ee sannadkaan 2017,Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa Wakhtiga u kordhiyay Hawlgalka AMISOM oo haatan joogitaankooda Soomaaliya uu ku egyahay 31 May ee sannadka 2018.
Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey in la dhimo tirada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya,islamarkaana si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti ayaa ka hawlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar