Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan Xasaasi ah ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Xoghayaha Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibinaan Sadiiq Warfaa ayaa Warbaahinta u sheegay in maanta oo sabti ah kulankaasi ay Baarlamaanka kaga hadlayaan Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Xildhibaanka ayaa amaan u jeediyay Dadka ku Nool Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo oo ka soo horjeeystay in Ciidamada Kenya ay ku soo xadgudbaan Wadanka Soomaaliya.
Dhanka kale mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland oo halkaas gaaray ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in ay wafdi usoo diraan halkaas si ay u arkaan xadgudubka Dowladda Kenya ay kawada xuduudka.
Waxaa cirka isku sii shareeraya diidmada umada Soomaaliyeed ka imaaneeysa ee ku aadan Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho