Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa Maanta degaanka Caga-madow ee bariga magaalada Garoowe ka bilowday hawlgal lagu xadeynayo dhulka ay magaaladu ku fidayso sannadaha soo socda.
Hawlgalka oo ay goobjoog ahaayeen duqa caasimadda Garoowe Xassan Maxammed Ciise(Goodir) iyo Xogahayaha dowladda hoose Maxamuud Cali Guray,ayaa lagu calaamadiyay xadka ay yeelan doonaan caasimadda Puntland ee Garoowe iyo dooxooyinka ku xeeran ee dhul daaqsanka ah 20-ka sano ee soo socda,si looga hortago xaalufinta daaqa iyo muranka degaan ee ka shasha dooxooyinka la cabbirto.
Xildhibaannada Golaha degaanka caasimadda Garoowe ayaa horay u ansixiyay qorshe ku saabsan xadeynta dhulka ay ku fidayso magaaladu tan iyo sannadka 2037,waxaana qorshahan qeexayaa in la calaamadiyo dhammaan afarta dhinac ee magaalada,islamarkaana la asteeyo xadka ay la wadaageyso dooxooyinka xoola-daaqsinka ah.
Muuqaal
Sawirro
PUNTLAND POST