Dhabaha Garoonka Diyaaradaha Garowe oo laga dhigay wado laamiya.

Wadada marinka u ah Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe oo muddo sanad ka badan dhisme uu ka socday waxaa laga dhigay laami,madaama horey ay u ahayd jid cade ay isticmaali jireen gadiidka u socda kana soo taga madaarka.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa booqasho gaaban ku tagtey albaabka laga galo garoonka, wuxuuna muujinayaa laamiyeynta jidku inuu gabo gabo marayo dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe .

Warar madax banaan oo soo gaaraya Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya in horaanta bisha soo socota ee January  si rasmiya xariga looga jari doono Airport-ka magaalada Garowe oo dhismihiisa ay gacanta ku hayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa noqonaya midkii ugu mudada dheeraa, wallow ay jiraan arrimo badan oo uu kaga duwan yahay Garoomo badan oo ku yaala dalka Soomaaliya.

Daawo warbixin kooban

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST