Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan maanta tageynin Maxkamada Racfaanka

Warar hoose oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Siyaasiga lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta markale Maxkamada Gobolka Banaadir ay ugu yeertay dhageeysiga Dacwada loo heysto aanu xaadireynin.

Qoraal Shalay ka soo baxay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayey ku sheegtay in maanta oo ku beegan 27- Dec in dib loo dhageysan doono Dacwada loo heeysto.

Maxkamada oo ah maanta mid aanay ka qeybgaleynin Dadweynaha iyo saxaafada ayaa shaki lagalinayaa in uu xaadiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Isbuucii hore Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wax dambi ah ku weysay Cabdiraxmaan Cabdishkuur hayeeshee go’aankaasi waxaa ku qanci waayay Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Maxkamada Racfaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho