Shir muran dhaliyay oo magaalada Baydhabo ka furmay

Shir u dhexeeya Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo Guddoomiyaasha Baarlaamanka Dowad Goboleedyada dalka ayaa goor dhoweyd  ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG K/Galbeed.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah,ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Baarlamanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA.

Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeestay shirkaan oo uu ku tilmaamay”mid lagu burburinayo Nidaamka Federaalka,islamarkaana abuuraya khilaaf cusub”.

Madaxweynihi hore Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdiraxmaan SH Maxammed Maxamuud(Faroole) oo shir jaraa’id Axaddii ku qabtay magaalada Garoowe ayaa dhankiisGuddoonka  Golaha Shacabka ku eedeeyay“in uu faro-gelin ku hayo Dowlad Goboleedyada dalka”.

Sidoo kale hay’adda UNDP oo la sheegay in ay maalin-gelinayso shirka ka furmaya magaalada Baydhabo,ayaa faroole ku eedeeyay in ay ka qayb qaadanayso burburinta Nidaamka Federaalism-ka Soomaaliya.

PUNTLAND POST