Xulka Kubadda Cagta Puntland oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey Garoowe

Xulka Kubadda Cagta Puntland oo kaalinta labaad ka galay Ciyaarihii Dowlad Goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa Maanta si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xulka Kubadda Cagta Puntland ayaa waxaa safarka ku weheliyey agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada Puntland, Axmed Cabdalle Tigaana, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar cabdullaahi Faro-weyn, iyo mas’uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Puntland,waxaana garoonka diyaaradaha Garoowe ee Kanooko  ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey),Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Ganacsato iyo dadweyne kale.

Koobkii loo qabtay Dowlad Goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guulaystay Xulka Kubadda Cagta Jubaland oo ciyaartii final-ka 1:0 kaga badisay xulka Puntland ee kaalinta labaad galay.

Dowladda Puntland ayaa qaban qaabinaysa xaflad ballaaran oo abaal-marin lagu gudoonsiinayo Xulka kubadda cagta ee Puntland. Xafladda oo dhiirri-gelin ah ayaa lagu wadaa in habeen dambe lagu qabto magaalada Garoowe.

Sawirro


PUNTLAND POST