Shir looga hadlayey natiijadii laga gaarey Mashruuca CIP labadii Sano ee Lasoo dhaafay oo Kenya lagu qabtay

Shirkaan oo muddo dhowr beri ah ka socey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ahaa mid looga hadlayey horumarrada laga gaarey mashruuca tayaynta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ee Capacity Injection Project kaas oo uu Baanka adduunku ka caawinayo  Dawladda dawladda Puntland..

Shirka ayaa dhinaca dawladda Puntland waxa uga qayb galay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka shaqada, shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ayna ka mid ahaayeen Wasiiro Agaasimayaal, masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Puntland, xubno ka socdey xiriirka Mashruuca ee PCU iyo khuburo caalami ah oo meteleysey Baanka adduunka.

Ujeeddada shirka ayaa ahayd in dib loo eego muddadii labad sano ahayd ee uu soconayey mashruuca CIP horrumarradii ama guuulihii laga gaarey, waxyaabaha qorshaysnaa ee la gaari waayey iyo talooyin la xiriira dar-dargelinta mashruuca maadaama uu noqday mid si weyn looga dareemay guud ahaan Puntland.

Muddadii uu shirku socdey ayaa masuuliyiintii Metelayey dawladda Puntland iyo xiriirka mashruuca oo isagu marwalba laf dhabar u ahaa hirgelidda mashruuca waxay soo bandhigeen guulo wax ku ool ah oo muujinaya in ay Puntland si mugleh uga faa’iideysatey Mashruuca, isla markaana ay muhim tahay in la kordhiyo hay’adaha ka faa’iidaysanaya mashruuca maadaama uu noqday mid taabbo gal ah.

Dhinaca kale madaxdii ka socotey Baanka adduunka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay Puntland tusaale wanaagsan u tahay guud ahaan Soomaaliya maada Mashruucu sidaa si la mid ah uu uga shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo qaybo kamid ah maamullada dalka balse ay Puntland noqotay meesha keliya ee uu ilaa iyo hadda sidii la rabey uga hir-galay.

Gebagebadii shirka ayaa waxaa laysla qaatay in mashruucu uu yahay mid u soconaya sidii loo qorsheeyey isla markaana Baanka adduunka looga baahan yahay inay qaybtooda sii xoojiyaan maadaama la guranayo  muddadii koobnayd ee uu shaqaynayey mirihii la beertay.