Wararka naga soo gaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xalay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Salaad waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ahaa oo Goob ganacsi ku lahaa halkaasi.
Burcad koonfur Afrikaan ah ayaa gudaha u galay goobtiisa ganacsi oo ku taalo Xaafada Khaliija ee Magaalada Cape Town halkaasi ay ku dileen.
Ciidamada Booliska ayaa durba gaaray goobta dilkaasi uu ka dhacay inkastoo aanay qaban kooxihii dilkaasi geeystay.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geeysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho