Hay’adda Maamul wanaagga Puntland oo amaantay Maamulka Dowladda hoose ee Garowe

Hayadda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa ku ammaantay dadaalka  iyo Laba kaclaynta ay wadaan masuuliyiinta sare ee caasumadda Puntland ee Garoowe.

Xafiisku Maamul wanaagga ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay howsha qiimaha leh ee Muuqata taas oo  Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka ahna Duqa magaalada Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir ), Xoghayaha cusub  ee dowladda hoose Maxamuud Cali Gurey, masuuliyiinta kala duwan ee xaafadaha degmada Garoowe iyo dhallinyarada wadaniyiinta ah ee la magacbaxay Waan Awoodnaa ay ka wadaan Caasumadda Puntland.

Sidoo kale Xafiiska Maamul wanaagga ayaa sheegay in qaabkan iskaashiga iyo wada shaqaynta hufan ah ee sare loogu qaadayo bilicda iyo muuqaalka guud ee caasumadda Garoowe uu mudan yihiin maamulka Degmadu in lagu ammaano, laguna dhiira galiyo howsha qiimaha leh ee ay u hayaan ummaada reer Puntland iyo Soomaali weynba.

“Waxaa muuqata shaqo wanaagsan iyo firfircooni,  waxaa muuqato qorshe isdaba joog ah oo Garowe loogu diyaarinayo heer wanaagsan oo ay kula tartami karto caasumadaha dadlalka koboca iyo ka soo kabashada samaynaya” ayuu lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Maamul wanaagga Puntland .

Sidoo kale qoraal ayaa lagu sii yiri “Howl galladan nadiifinta, dhiraynta, burburinta goobaha sharci darrada lagu daggan yahay ama loogu ganacsanayo, xoojinta taraafikada / nidaamka waddooyinka  iyo wada shaqaynta dowladda iyo shacabka dhanka Amniga iyo horumarinta Bulshada ayaa ah kuwo si habsami ah uga socda caasumadda waxaana loo baahan yahay in la joogteeyo,  Magaaooyinka kale heer gobol. degmo ilaa heer tuulo ayaa sidaa si la mid ah ay sameeyaan si loo wajaho arrimahan muhiimadda iyo ahmiyadda  u leh horumarkeenna iyo  dowlad nimadeenna”.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa hoosta ka xarriqay in la joogo waqtigii xafiis kasta wax qabadkiisa lagu abaal marin lahaa,  xafiiskii wax wanaagsan ummadda u qabtayna la sheegi lahaa.

Xafiiska Maamul wanaagga  Puntland ayaa ugu danbeyn ku baaqay in la iska kaashado dowlad iyo shacabba/ daljoog iyo qurba joogba  kor u qaadista bilicda iyo horumarinta magaalooyinkeenna.

PUNTLAND POST