Madaxweynihi hore dowladda Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud(Faroole) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Hoygiisa magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.
Mudane. Farooole ayaa ugu horrayn baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaannada tuulooyinka ah ee u dhexeeya gobollada Sool iyo Nugaal,wuxuuna codsaday in dhammaan la isu taago joojinta colaaddaas.
Faroole ayaa sidoo kale eedayn kulul u jeediyey guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu sheegay in ay faro-gelin xoogganku hayaan Dowlad Goboleedyada dalka,islamarkaana ay burburinayaan Nidaamka Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayuu isagana ku eedeeyay in uu Dastuurkii ku falaaday oo buug jeebkiisa ah qortay,waxaana Faroole sheegay in arrintaasi ay fududaysay UN-ka gaar ahaanna hay’adda UNDP.
Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.
Mudane. Faroole ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay taageeraan horumarka dalka,gaar ahaanna mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee ay xukuumadda Puntland waddo,kuwaasoo ay ku jiraan ballaarinta Dekedda Boosaaso iyo dhismaha garoomada.
Halkaan ka daawo shirka jaraa’id oo dhammaystiran.
PUNTLAND POST