Puntland oo Kenya la saxiixatay qorshe hawleed dhaxal gal u ah shaqaalaha dawladda

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dawlaha  Madaxtooyada ee  xiriirka  goleyaasha Ahna Afhayeenka Dawladda Puntland  ayna ka mid ahaayeen Agaasimeyaal kala ah  Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha,   Jaamacadda PSU gaar ahaan Machadka tababarka shaqaalaha Dawladda Puntland iyo xubno ka socda mashruuca tayeynta shaqaalaha Dawladda oo beryahaan safar shaqo ku joogey dalka Kenya ayaa la sixiixatay qorshe lagu tababarayo madaxda sare ee Dawladda Puntland Machadka tababarka iyo horumarinta shaqaalaha ee Kenya School of Government (KSG)

Ujeedka heshiiskaan ayaa  ah tababarka iyo tayeynta madaxda sare ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda gaar ahaan Wasiiradda, Wasiir ku xigeenadda, Wasiir Dawleyaasha iyo Agaasimayaasha guud si ay Puntland ula jaanqaado Dawladaha Horumaray xagga Maamul wanaagga iyo hannaanka Dawladnimo.

 

Tababarkaan horumaraneed ayaa waxaa iska kaashan doona mac-hadka tababarada shaqaalaha Dawladda Puntland ee Institute of Public Administration and Management (IPAM), waxaana la filayaa in dhawaan uu bilowdo gaar ahaan bilaha hore ee sanadka 2018.

Tababaradan ayaa qeyb ka ah qorshaha dib u qaabeynta maamulka shaqaalaha iyo hay’adaha Dawladda (Civil Service Reform Management), waxaana Dawladda Puntland ka caawin doona Baangiga Adduunka (World Bank).

-DHAMAAD-