Gabadh Da’yar oo 16 Sano Jir ahayd islamarkaasina Nin isku dayay in uu kufsado uu rasaas dhanka hoose ee jirkeeda kaga dhuftay ayaa maanta Caafimaad ahaan loogu qaaday dalka dibadiisa.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabid Cabdi Maxamed oo ay soo gaartay xaalada Gabadhaasi in aan dalka waxba looga qaban karin ayaa maanta daaweyn caafimaad ugu diray Dalka Turkiga.
Gudoomiye Thaabid ayaa Maanta sagootiyay gabadhaasi isaga oo bulshada Soomaaliyeedna ugu baaqay in xaalada gabadhaasi gacan laga geysto.
Dhanka kale Aabaha dhalay gabadhaasi ayaa u mahad ciliyay maamulka Gobolka Banaadir isaga oo sheegay in uu abaalweyn u hayo.
Hoos ka dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho